Xog: Alshabaab oo Hanjabaad hor leh u diray Dawladda Somalia iyo Shacabka+Dhagayso

0

Horjoogaha u qaabilsan Alshabaab Gobaladda Jubooyinka oo Magaciisa ku soo koobay Abuu Cabdalla ayaa waraysi uu siinayay Idaacada ku hadasha Afka Kooxdaasi waxa uu hanjabaad u diray Dawladda Somalia.

Abuu Cabdalla waxa uu sheegay in Duqayntii ka dhacday Tuuladda Sh Axmad Yare ay ahayd mid lagu xasuuqay Dad Shacab ah. Wuxuuna sheegay inay ka samaysan doonaan Ficilkaasi Aargadasho, isagoona sheegay inay ka aargudan doonaan Dowladda Somalia oo sheegtay inay iyadu amartay Duqayntaasi.

Dad badan ayaa aaminsan in Aargudashada ay ku hanjabeen Alshabaab ay tahay mid ay doonayaan inay ku banaystaan Xasuuqa Shacabka, iyadoo ay suuragal tahay inay ka sameeyaan Qaraxyo goobo ay Dadku isugu yimaadaan, dabadeedna sheegtaan inay aargudayeen dad lagu laayay Tuuladda Sh Axmad Yare.

Halkan ka dhagayso Codka Horjoogaha Alshabaab.

120511_001

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.