Dagaal ka billowday Magaaladda Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Galmudug, Yuu u dhaxeeyaa Dagaalku,?

0

Dagaal u dhaxeeya Maleeshiyo Beeleed iyo Ciidamadda Ammaanka Galmudug ayaa ka billowday Duleedka Degmadda Cadaado ee Gobalka Galgaduud.

Dagaalkan ayaa ka billowday markii ay Isbaaro dhigteen Maleeshiyaad Deegaanka ah Waqooyiga Cadaado, taasoo keentay in Ciidamadda Ammaanka Galmudug ay ku weeraraan Maleeshiyaadkaasi bartii ay Isbaaradda dhigteen. Waxaana lagu waramayaa in Dagaalku uu ku fiday qaybo ka mida Magaaladda, kadib markii ay Gurmad ka heleen Maleeshiyaadka Deegaanka kuwo ku qabiil ah oo Burcad Badeed ah.

Maxamad Garfaanje oo ka mida Horjoogayaasha Burcad Badeeda ayaa lagu waramayaa inuu la soo galay Magaaladda Gaadiidka Dagaalka, isagoo u gurmanaya Maleeshiyaadka Isbaaraddu u taalay. Waxaana Dagaalka xooggiisa uu hadda ka soconayaa Waqooyiga Cadaado.

 

Khasaaro dhimasho iyo Dhaawac ah ayaa jira oo soo kala gaaray Dhinacyadda dagaalamaya, Waxaa sidoo kale Rasaasta la is waydaarsanayo ay Dad shacab ah ku waxyeelaysay Xaafadahooda, iyadoona aaga Dagaalka ay Dadku billaabeen inay isaga barakacaan.

Dhaawacyadda intooda badan ayaa la geeyay Isbitaalka Degmadad Cadaado. Waxaana Xaaladda Magaaladda ay u muuqataa hadda mid kacsan.

Magaaladda Cadaado ee Bartamaha Gobolka Galgaduud tan iyo wixii ka dambeeyay Dhismaha Dawlad Goboleedka Galmudug waxay ahayd Xarunta Maamulkaasi.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.