Alshabaab oo qirtay in Horjoogahoodii Gobalka Banaadir lagu dilay Duqayn Diyaarad+Akhriso Bayaanka Kooxda.

0

Kooxda Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay qiray in Horjoogahoodii Gobalka Banaadir, Cali Maxamad Xuseen (Cali Jabal) lagu dilay Duqayn Diyaarad dhamaadkii Bisha July. Waxaana Duqayntaasi fuliyay Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka.

Bayaan ka soo baxay Al-Shabaab oo ku qornaa afka Carabiga, kuna saxiixnaa Hoggaanka sare Al-Shabaab ayaa waxaa looga hadlay geerida Sheekh Cali Jabal, iyadoo cinwaan looga dhigay Tahniyad iyo Tacsi ku socota Umadda Islaamka”

Bayaanka ayaa lagu yiri “Waxaan maanta halkaan uga tacsiyeyneynaa Istish-haadka geesi ka mid ah halyeeyada Islaamka ee baalka dahabiga ah ka galay sooyaalka taariikheed dhulka Soomaaliyeed, kana tagay taariikh weyn oo magaciisa wax badan ka xambaarsan”

Waxaa uu ahaa Sheykh Cali Jabal, Sidaas ayay ugu yeeri jireen kuwa Jecel, Walaalahiisa iyo inta ay halganka Isla wadeen, Waa Sheykh Cali Maxamed Xuseyn, Allaha shahaadadiisa ka aqbalee”.

Sidoo kale bayaanka ayaa lagu yiri in diyaarad dagaal oo Mareykanka ay isku dayday inay duqeeyaan, markii koowaad gantaalka ay soo riday la weysay hadafka, markii labaad ay la heshay, halkaas uu ku shahaado qaatay, isaga iyo wiilkiisa Maxamed Amiin oo da’diisu aheyd 12 jir.

Mareykanka ayaa horay u sheegay in duqeyn uu fuliyay 30-kii bishii July uu ku dilay Sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsanaa Gobolka Banaadir, markii la gantaal lagu dhiftay gaari uu la socday meel ku dhow deegaanka Toora Toorow.
Image may contain: 1 person, text

Image may contain: text

Image may contain: text
Image may contain: text

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.