Xog: Xeraale oo Madaafiic lagu garaacay, iyo Dagaal maantay qarxay, Maxaa Khasaare ah oo ka dhashay,?

0

Wararka ka imaanaya Degaanka Xeraale ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maanta Maleeshiyaad Taabacsan Ahlusunna ay Madaafiic ku garaaceen Degaankaasi. Waxaana Madaafiicdan ay sababtay Khasaare Dhimasho iyo dhaawac leh.

Goobjoogayaal ayaa Hornafrik u sheegay in Madaafiicdaasi ay ku dhinteen 2 Gabdhood oo Walaalo ah, kuwaasoo Guri ay daganaayeen uu Madfac ku habsaday. Waxaa sidoo kale jira Dhaawacyadda 6 Qof oo Rayid ah.

Iska hor imaad mar kale Maaanta ka qarxay Deegaanka Xeraale ayaa isna waxaa khasaare ka soo gaaray Maleeshiyaad labada dhinac ah, Waxay sidoo kale wararka halkaasi ka imaanaya sheegayaan in Maleeshiyadda Ahlu Sunna ay dileen Saaka Gabar Biyo ka dhaansanaysay Baraag, taasoo aan la ogayn sababta ay u dileen maadaama aysan ahayn qof hubaysan oo Dagaal ku jira.

Degaanka Xeraale Ee Gobolka Galgaduud waxaa dhowr jeer ku dagaalamay Maleeshiyaad Degaanka ah iyo kuwa Ahlusunna Waljamaaca. Waxaana ay doonayaan Maleeshiyaadka Ahlusunna inay xoog ku maquuniyaan Maleeshiyaad ka baxay Kooxdooda oo Xeraale fariisimo ku leh, iyo Dadka Deegaanka oo ka hor yimid Aragtidda Kooxda.

Dawlad Goboleedka Galmudug ayaan illaa iyo hadda ka hadlin Xiisadan ka taagan Xeraale, inkastoo ay Xeraale ka mid tahay meelaha Magac ahaan u hoostagga ee uusan gaarin Maamulka Galmudug.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.