Aqalka Sare oo u yeeray Wasiiradii tagay Jowhar, Maxay la xiriirtaa u yeerista Wasiiradan,?

0

Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa soo fara gelinaya xiisada siyaasadeed ee ka taagan Maamulka Hirshabeelle, kaddib markii Xildhibaano ka tirsan Hirshabelle ay sheegteen inay xilka ka qaadeen Madaxwayne, Cali C/laahi Cosoble.

Qaar ka mid ah Senator-ada Aqalka Sare ayaa soo jeeday in ajandaha lagu soo daro xiisada siyaasadeed ee ka taagan Hirshabeelle, iyadoo Guddiga Arrimaha Gudaha Aqalka sare uu dalbaday in loo yeero Wafdigii Wasiirada ahaa ee xaalada qiimeynta u aaday Jowhar.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Faarax Juxa iyo Wasiirka Waxbarashada C/raxmaan Daahir Cusmaan ayaa xilligan kulan la leh Guddoonka Aqalka Sare iyo xubnaha Guddiga Arrimaha Gudaha.

Kulankan ayaa warbixin looga dhageysanayaan Wasiirada, wixii ay ku soo arkeen magaalada Jowhar, markii ay maalin ka hor tageen, shalayna dib ugu soo laabtay Muqdisho.

Kulanka oo ah mid albaabada u xiran yahay ayeey Hornafrik ogaatay in Wasiiradan wax laga waydiiyay inay jirto Faragalin ay Dawladda dhexe ku hayso Arrimaha Hirshabelle, iyo sababta ay Dawladdu u cadayn la dahay Mowqifkeeda ku aadan arrimahan, Waxayna Xubno ka tirsan Aqalka Sare ka sheegeen Kulanka inay Dowladda dhexe wax ka abaabushay Xiisadda Hirshabelle.

Wasiiradda tagay Jowhar ayaan illaa iyo hadda u sheegeen Warbaahinta waxay kala soo kulmeen Jowhar, Waxayse sheegeen inay u gudbiyeen Madaxda Dowladda Somalia oo war ka soo saari doona Xiisadda Hirshabelle.

Dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay war ka soo saarto xaalada siyaasadeed ee Hirshabeelle, iyadoo shalay Muqdisho uu soo gaaray Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre, kaddib markii loo yeeray, waxaa lagu wadaa inuu la kulmo madaxda dowladda

Madaxwaynaha Hirshabelle, Cali C/laahi Cosoble ayaa ku eedeeyay xiisadda Maamulkiisa ka dhex jirta inuu ka dambeeyo Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Somalia, Xasan Cali Khayre, isagoona ku hanjabay inuu Khayre uga bixi doono Siyaasadda Somalia fudaydkii uu ku soo galay.

Xubno ka tirsan Aqalka Sare ee Somaila ayaa u ololaynaya in la soo afjaro Xiisadda Hirshabelle, isla markaana meesha laga saaro Sheegashadda Xildhibaanadda ku doodaya inay Xilka ka qaadeen Cali C/laahi Cosoble. Waxayna u yeerista Wasiiradda tagay Jowhar qayb ka tahay cadaadiska ay Dowladda ku saarayaan inay taageerto Cosoble.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.