Xog: Saldhig ay leeyihiin Alshabaab oo la duqeeyay, Maxaa qasaare ah oo ka dhashay,?

0

Diyaaradaha aan Duuliyaha lahayn ee Drone-ka ayaa xalay duqeeyay Saldhig ay Maleeshiyadda Alshabaab ku lahaayeen Tuuladda Sh Axmad Yare oo u dhaxaysa Degmooyinka Jilib iyo Kamsuumo.

Illo Sirdoon ayaa Hornafrik u xaqiijiyay in Goobta la duqeeyay ay ku shirsanaayeen Horjoogayaal ka tirsan Alshabaab, Waxaana ay ka wada hadlayeen Weeraro ay qorshaynayeen inay ka gaystaan Gudaha Kenya, iyadoona Shirka ay ku sugnaayeen inta badan Horjoogayaasha qaabilsan Argagax galinta Kenya oo qaarkood ay Kenyan yihiin.

Kulankaasi ayaa waxaa sidoo kale joogay Horjoogayaal ka tirsan Qaybta Qaraxyadda iyo Madaxa Guutadda Istaashidiyiinta oo ah Halka lagu soo diyaariyo Dadka is qarxinaya. Waxaana la xaqiijiyay in illaa iyo 7 Horjooge ay ku dhinteen Duqayntaasi, isla markaana lagu burburiyay gabi ahaanba dhismihii ay ku shirsanaayeen.

Kooxda Alshabaab ayaan wax war ka soo saarin duqaynta. Waxaana Mudooyinkan lagu bartay inay qariso Dilalka Horjoogayaasheeda, iyadoo horay ay Kooxdu u shaacisay markii la dilay Horjoogayaal ay ka mid yihiin Aadan Xaashi Cayroow oo Saxaafadda uu u xaqiijiyay Muqtaar Rooboow oo hadda ku jira Gacanta Dawladda Somalia, iyo Axmad Godane, balse waxay ka gaabsadeen inay sheegtaan Masuuliyiin dhawr ah oo kadib la dilay.

Ma jiro wax hadal ah oo ay Weerarkan ka soo saartay Dawladda Maraykanka oo Diyaardaheedu fuliyeen, Waxay sidoo kale Dawladda Maraykanku diiday inay Macluumaadka Weerarka la wadaagto Dawladda Somalia oo iyadoo aan Munaasib ahayn baahisa Xogaha Sirdoon ee lala wadaago.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa kordhay weerarada duqeymaha ee lala bartilmaameedsanayo Al-Shabaab, iyadoo todobaadkii hore aheyd markii duqeyn ka dhacday duleedka Muqdisho la sheegay in lagu dilay Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.