Qofkii 3aad oo ka mid ah Maxaabiista Soomaalida ee ku xiran India oo xalay Geeriyooday.

0

Mid ka mida Maxaabiista Soomaalida ah ee ku xiran India ayaa la xaqiijiyay inuu ku dhex geeriyooday Xabsiga.

Maxbuuskan ayaa noqonaya kii 3aad ee ku dhinta xabsiyada dalka India, halkaasoo ay ku heysato xaalado caafimaad darro iyo tacadiyo kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya inay jiraan maxaabiis kale oo la xanuunsan cuduro kala duwan, kuwaasoo la dhigay Isbitaal.

Maxbuuskan geeriyootay ayaa la sheegay inuu hayay cudurka sokorta iyo TB-da, waxaana jira maxaabiis kale oo xanuunadan la il daran.

Marxuumka dhintay ayaa ka mid ahaa dhalinyaro ay Dowladda India sanado ka hor ay ka qabatay Xeebaha Soomaaliya kuwaas oo loo heesto danbiyo la xariira burcad badeednimo waxa uuna u dhintay xanuun uu la il darnaa mudo dheer.

Tirada Maxaabiista ayaa hore waxay u gaareysay 120 wiil waxaana hada nool 117 oo kaliya halka saddexda kale ay ku dhinteen Gudaha Xabsiga.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.