Masuul ka tirsan Xiriirka Kubbadda Cagta Soomaaliyeed oo Caawa lagu dilay Muqdisho.

0

Gudoomiyaha Guddiga Garsoorayaasha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Cismaan Jaamac Diraac ayeey Caawa Koox hubaysan ku dileen Magaaladda Muqdisho. Waxaana lagu dilay Xaafadda Xamar Bille ee Degmadda Wardhiigleey xilli uu ka soo baxay Salaadii Cishaha.

“Koox Bastooladdo ku hubaysan ayaa Marxuumka kaga yimid gadaal kadibna dhawr xabbo kaga dhuftay Dhabarka iyo Madaxa, sidaas ayuuna ku dhintay Marxuumka,” sidaasna waxaa Hornafrik u sheegay Goobjooge codsaday inaan magiciisa loo isticmaalin Warbaahinta.

Allaha u naxariistee Marxuum Cismaan wuxuu ku dhashay Dhuusamareeb, isagoo kadib noqday Goolhayaha Kooxda Kubadda Cagta ee Gobalka Galgaduud, balse muddo kadib wuxuu u wareegay dhanka Garsoorka, isagoo noqday Garsoore Heer Caalami ah oo FIFA.

Marxuum Cismaan waxa uu ahaa Guddoomiyaha Guddiga Garsoorayaasha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed tan iyo 2010-ka. Waxaana uu ahaaa Shaqsi si wayn looga dhex yaqaano Bahda Isboortiga.

Maamulka Degmadda Wardhiigleey oo ah halka lagu dilay Marxuumka ayaan tagin goobta falku ka dhacay, Waxaana Maydka Marxuumka uu yaalay in cabaar ah halkii lagu dilay, illaa markii dambe Jameecadda Masjidku ay qaadaan, Waxayna Dadka Deegaanku u sheegeen Hornafrik in Maamul Degmadda Wardhiigleey ka shaqeeya ay ugu dambaysay xilligii Yaasiin iyo Deeqo ay Guddoomiyayaasha ka ahaayeen Degmadda, iyadoo haatan ay Guddoomiye ka tahay Degmadda Wardhiigleey, Zaynab Xaabsey oo waqtigeeda inta badan galisa ka dhex muuqashadda Xafladaha.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.