Hirshabelle oo taageertay Isbahaysiga uu hogaamiyo Sucuudigu.

0

Madaxwaynaha Maamulka Hirshabeelle, Cali C/llaahi Cosoble oo dhawaan ay sheegteen Xildhibaano ka tirsan Maamulkaasi  inay xilka ka qaadeen ayaa soo saaray Warsaxaafadeed uu ku taageerayo Isbahaysiga Sucuudiga iyo Imaaraadka, isagoona walaac ka muujiyay Go’aanka ay Dawladda Somalia ka qaadatay Xiisadda ka taagan Khaliijka.

Warsaxaafadeedkan oo ku qornaa English ayaa lagu sheegay inaysan suuragal ahayn in Somalia ay dhex dhexaad ka noqoto Xiisadda Khaliijka. Wuxuuna ku dooday inay tahay in Somalia ay garab istaagto Saaxiibadeeda runta ah ee Sucuudiga iyo Imaaraadka. isagoona Walaac xooggan ka qaba in Go’aanka Somalia uu saamayn ku yeelan karo dhinacyadda Amniga iyo Ganacsiga.

Warsaxaafadeedkan ayaa imaanaya Maalin kadib markii ay Puntland sidan oo kale soo saartay Warsaxaafadeed ay Dawladda kaga dalbanayso inay dib u eegis ku samayso Go’aankeedii arrimaha Khaliifjka,

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.