Hadda: Muqtaar Rooboow oo hadda la hadlaya Saxaafadda, Muxuu ka hadlayaa,?

0

Muqtaar Rooboow Abuumansuur ayaa hadda Saxaafadda kula hadlaya Muqdisho, isagoo u akhrinaya Bayaan ku saabsan Aragtidiisa ku aadan Argagixisanimadda iyo Alshabaab, Wuxuuna u cadeeyay Warbaahinta iyo Shacabka Soomaaliyeed inuu isaga baxay Kooxdii uu mar ka ahaa Hogaamiyayaasha ugu magaca wayn ee Alshabaab, isagoo sidoo kalana cambaareeyay Ficiladda Argagixisanimo ee Kooxdaasi.

“Waxaan cadeynayaa inaan ka baxay Ururka aan xubin ka ahaa muddo 5 sano iyo todobo bilood, sababta aan uga baxayna ay tahay dhibaatada ay bulshada ku hayaan iyo dhanka caqiidda, markii aan ka tegay kooxda dhowr jeer oo hore waxa ay isku dayeen in i dilaan, balse Alxamdulilah waan ka guuleystay” ayuu yiri Sheekh Mukhtaar

Sheekh Muqtaar ayaa sheegay in muddo uu ku noolaa meel isaga iyo ciidamado taabacsan ay ku sugnaayeen, waxaana uu intaa ku daray in dhawaan ay weerar ku soo qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, kuwaasi oo uu sheegay in uu iska difaacay, kaddib markii uu sheegay in uu gacan ka helay ciidamada dowladda.

Sheekh Mukhtaar ayaa Axaddii la soo dhaafay soo gaaray magaalada Muqdisho, kaddib markii lagu soo wareejiyay gacanta dowladda, waxaana uu sheegay in uu ka shaqeyn doono Nabadda.

Mukhtaar Roobow ayaa dhawaan weerar lagu qaaday xilli u ku sugnaa deegaanka Abal ee ka tirsan Gobolka Bakool, halkaasi oo ay ku weerareen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, balse gurmad ka helay ciidamada dowladda Federaalka, kuwaasi oo ku guuleystay inay ka badbaadiyaan weerarki lagu qaarajin rabay.

Waa Shirkii Jaraaid ee ugu horeeyay ee uu qabto Rooboow tan  iyo markii uu ka baxay Kooxda Alshabaab

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.