Xog: Madaxwayne Farmaajo oo ay Caqabad Siyaasadeed ku noqon doonto isi soo dhiibidda Abuumansuur.

0

Madaxwayne Farmaajo ayaa lagu waramayaa inay ku noqon doonto Caqabad Siyaasadeed isi soo dhiibidda Muqtaar Rooboow Abuumansuur, Waxayna Caqabada ugu wayn ka soo wajahaysaa Beelaha Hawiye oo u arko Horjoogayaashooda isi soo dhiiba inaan loo macaamilin sida Horjoogayaasha kale ee Beelaha kale iska soo dhiiba.

Xilligii uu Madaxwaynaha ahaa Xasan Sheikh ayaa waxaa isi soo dhiibay Xasan Daahir Aweys oo ay isku koox ahaayeen Mukhtaar Rooboow Abuumansoor, Waxaana isi soo dhiibista Wadaadka Xasan Daahir ay ku timid wadahadal dhex maray Beesha uu Wadaadku ka soo jeedo iyo Dawladda, taasoo sababtay in lagu qanciyo Xasan Daahir inuu isku dhiibo Dawladda, balse Dawladda ayaa ka baxday Heshiiskii ay la gashay Beesha Habargidir markii la keenay Xasan Daahir Muqdisho, iyagoona is hortaagay in Wadaadku uu si xor ah ugu noolaado Muqdisho,

Xasan Daahir ayaa isla habeenkii la keenay Muqdisho waxay Dawladdu u taxaabtay Xabsiga Nabadsugidda, iyadoo sidoo kalana la garaacay Odayaashii garwadeenka ka ahaa inuu isu soo dhiibo Xasan Daahir. Waxayna arrintaasi sababtay inay Beesha Habargidir ka caroodaan Dawladda Somalia, iyagoo u arkayay in la qiyaameeyay, Waxaana Natiijaddii uu Xasan Sh ka dhaxday Xurguftaasi ay sababtay in Xildhibaadda Beeshu ay codkoodu u diidaan markii Billowgii Sannadkan ay Doorashadu ka dhacay Somalia. taasoo ay codkooda ku taageereen Madaxwaynaha hadda taladda haya ee Farmaajo.

Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Beesha Habargidir markii la doortay Madaxwayne Farmaajo kulankii ugu horeeyay ee ay la yeesheen waxyaabihii ay hordhigeen waxaa ka mid ahaa in Xoriyadiisa la siiyo Xasan Daahir Aways, taasoo uu Farmaajo ka biyo diiday, isagoona u sheegay inaan la cafin karin Xasan Daahir Aways oo uu ku tilmaamay Dambiile, balse waxay dad badan la fajaceen markii uu Zakariyo oo ay Qaraabo yihiin, kagana miisaan badnaa Xasan Daahir Kooxda Alshabaab dhexdeeda u magacaabay Taliyaha Qaybta Sirdoonka ee NISA.

Abuumansuur

Hadii ay dhacdo in Rooboow Muqdisho la keeno oo uu si xor ah ugu noolaado waxa uu Madaxwayne Farmaajo wayn karaa Taageeradda Beesha Xasan Daahir Aways oo Miisaan ku lahayd Doorashadii uu ku soo baxay, isagoona la kulmi doona Madaxwaynuhu qalqal Siyaasadeed, Waxaana arrintan walaaceeda durba laga dareemayaa Madaxtooyadda Somalia oo laga yaabo inay ka xeeladaysato in la keeno Abuumansuur Magaaladda Muqdisho.

Maamulka Koonfur Galbeed iyo Beesha uu ka dhashay Abuumansuur waxay iyaguna uga fadhiyaan Dawladda Somalia in loo maamuuso Muqtaar Rooboow sida Zakariyo oo loo dhiibo Xil Dawladeed, Waxayna taasi iyana ku noqon doontaa Dawladda Somalia oo ay hortaalo 2 Daran mid dooro.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.