Muqtar Rooboow oo isku dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed Somalia, Xagee la geeyay,?

0

Muqtaar Rooboow Cali Abuumansuur-Ku Xigeenkii hore ee Alshabaab oo dhawaan laga saaray Liiska Argagixisadda Caalamka ayaa isku dhiibay Maamulka Koonfur Galbeed Somalia, kadib Wadahadalo dhex maray isaga iyo Maamulka Koonfur Galbeed Somalia.

Afhayeenka Madaxtooyada Koofur Galbeed, Nuuradiin Yuusuf Abuukar ayaa u sheegay warbaahinta in Abuu Mansuur uu aqbalay inuu isku dhiibo dowladda, isla markaana loo qaaday degmada Xudur.

Wararka ayaa sheegaya in Abuu Mansuur keligiis oo aanay la socon ciidamadiisa isku dhiibay Maamulka Koofur Galbeed, iyadoo lagu wado in degmada Xudur kula kulmo Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed

Mas’uuliyiin ka tirsan Koofur Galbeed ayaa shalay kula kulmay Sheekh Roobow agagaarka deegaanka Abal, waxaana wada hadaladaas laga gaaray is faham sababay inuu isaga haajiro Deegaankii uu ku sugnaa oo culays ka soo wajahay dhinaca Kooxdii uu ka tirsanaa ee uu isaga baxay.

Dagaalo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa labadii maalmood ee u dambeeyay waxaa Al-Shabaab iyo Maleeshiyada taabacsan Abuu Mansuur uu ku dhex marayay deegaanka Abal iyo agagaarkiisa, waxaana la sheegay inuu iska difaacay weeraradaasi.

Maamulka Koofur Galbeed ayaa saanad hub iyo ciidamo xoojin ah u dirtay Abuu Mansuur, taasoo fursad u siiyay Wadaadka Qunyar Socodka ah ee Rooboow inuu iska caabiyo Weeraradda Alshabaab.

Al-Shabaab ayaa culeys saaray Abuu mansuur, tan iyo markii Mareykanka uu bishii June ee sanadkan ka saaray liiska Argagixisada, Waxayna u soo jeediyeen Kooxdu Abuumansuur inuu isku soo dhiibo, taasoo markii uu diiday ay Dagaal toos ah la galeen.

Muqtaar Rooboow Abuumansuur waxa uu soo noqday Hogaamiye Ku Xigeenka iyo Afhayeenka Alshabaab, Waxaana lagu tiriyaa inuu ahaa Qunyar socod intii uu Kooxda ka mid ahaa, taasoo keentay inay iska hor yimaadaan Hogaamiyihii geeriyooday ee Kooxda Axmad Godane.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.