Shirkadda Favori oo ka dayrisay Amniga Garoonka diyaaradaha Muqdisho.

0

Shirkadda Favori ee maamusha Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada ayaa cabasho xoog leh ka soo saartay hub lala soo galay gudaha Air Port-ka, taasoo amniga garoonka wax u dhimi karta.

Warqad uu soo saaray Madaxa Amniga u qaabilsan Favori ayaa waxaa uu diray Hey’addaha ay quseyso arrintan, si wax looga qabto.

Sarkaal Boolis ah oo ay u xirneyd Bastoolad ayaa la sheegay inuu isku dayay inuu hareer maro Qalabka baaritaanka ee la yiraahdo Xray, isagoo damacsanaa inuu gudaha u galo garoonka, hase ahaatee Ilaalada ayaa celiyay sarkaalka oo ku amray in Bastoolad aan lala geli karin, waxaana taas ay keentay isku dhac  iyo aflagaado dhex maray Sarkaalka iyo ilaaladii shirkadda, iyadoo ay gaartay heer Bastoolado la iskula baxo, la iskuna hanjabo.

Madaxa Amniga Favori waxa uu Qoraalkiisa ku sheegay in Sarkaalkan Booliska ah uu xittaa Gudaha Saldhiga Booliska Garoonka ugu hanjabay isaga shaqsiyan, isagoo waliba Madaxa iga saaray Farihiisa, taasoo ah dambi ay tahay in wax laga qabto.

Inta badan shirkadda ayaa cabasho ka qabta Saraakiisha iyo xubnaha mas’uuliyiinta ee bastooladaha wata ee doonaya inay la galaan gudaha garoonka, gaar ahaan Terminalka.

Mas’uuliyiinta Shirkadda ayaa ka dalbaday Hay’adaha Ammaanka inay arrintan soo faragaliyaan, isla markaana qaadaan Tallaabo Sharci ah.

Halkan hoose ka akhriso warqada cabashada ee ka soo baxay Shirkadda Favori LLC

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.