Abuumansuur oo mar kale iska caabiyay Duulaankii Alshabaab.

0

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya weerar mar kale Al-Shababa shalay ku qaaday aagga uu ku sugan yahay wadaadka gooni u goosadka ah Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.

Dagaalkii shalay oo ahaa mid xooggan ayaa la sheegayaa in maleeshiyada taabacsan Abuu Mansuur ay iska difaaceen weerarkii Al-Shabaab ku soo qaaday.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ku fiday goobo hor leh oo ka tirsan Gobolka Bakool, iyadoo maleeshiyada taabacsan Mukhtaar Roobow ay jilbaha dhulka u dhigteen weerarkii lagu soo qaaday, iskana difaaceen.

Saraakiil ka tirsan maamulka Koofur Galbeed oo si dhow xaalada dagaalka ula socda ayaa sheegaya in maleeshiyada taabacsan Mukhtaar Roobow ay difaacyo adag ka sameysteen dhulka howdka iyo buuraha ee deegaanka Abal, taas oo u sahashay inay dib isaga riixaan Shabaabkii soo weeraray.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maamulka Koofur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo la hadlay Idaacada VOA ayaa sheegay dagaalkii shalay uu ka dhacay Tuulo lagu magacaabo Sayalow oo u dhow deegaanka Abal, isagoo tilmaamay in dagaalka uu ku sii fidayo goobo hor leh.

“Maalmahan deegaanka Abal oo hoos taga Xudur iska hor imaadyo ayaa ka jiray oo u dhaxeeyay Al-Shabaab iyo Mukhtaar Roobow, dagaalkii shalay saacado ayuu socday, waxaa lagu dagaalamay meel la dhaho Sayalow oo dhowr KM u jirta Abal, waa deegaan howd iyo buuro ah”ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha Koofur Galbeed.

Waxaa uu sheegay in dib mar kale loo caabiyay ciidankii duulaanka soo qaaday, laguna jebiyay dagaalka sida uu hadalka u dhigay.

Illaa iyo hada waxaa adag warar faah faahsan oo ku aadan dagaalka, iyadoo halka lagu dagaalamayo ay tahay deegaan fog oo aanay warbaahinta ka ag dhowaan karin, si ay u hesho macluumaad la xiriira dagaalka.

Hase ahaatee Al-Shabaab ayaa u muuqata in waqti dheer ku soo qaadaneyso sidii ay ku soo afjari laheyd Wadaadka ka fallaagoobay ee Mukhtaar Roobow oo horay uga mid ahaa Saraakiisha ugu sareysa Kooxda, waxaana la sheegayaa inuu wadaadka helayo taageero kala duwan iyo maleeshiyaad aad u fara badan oo taabacsan.

Warar ay heshay Hornafrik ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga Koofur Galbed Xasan Xuseen Maxamed iyo Saraakiil Ciidan oo isugu jira Milatariga Soomaaliya iyo kuwa Koofur Galbeed ay Saanad Ciidan ku Wareejiyen Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Masuur oo ay is hor fadhiyaan Maleeshiyaad Al-shabaab.

Wasiirka Amniga iyo Saraakiisha la socota ayaa la sheegay in Saanadda Ciidan ay ka qaadeen Degmada Xudur,waxaana Saanadu isugu jirtaa Hubka Culus iyo kan Fudud,iyadoo la doonayo in Wadaadka lagu Magacaabo Sheekh Muqtaar uu Hubkaasi isaga Difaaco Al-shabaab.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Ciidamada Dowladda iyo kuwa Koofur Galbeed ee Gurmadka ugu tagay Sheekh Muqtaar Roobow iyagana loo qeybiyay Hub si ay Al-shabaab uga difaacaan Sheekh Muqtaar Roobow oo Dhowr jeer la dagaalamay Al-shabaab oo Weerar ku soo qaaday Degaanka uu ku sugan yahay ee Abal.

Dowladda Mareyknka ayaa Wadaadkaan lagu Magacaabo Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Masuur ka saartay Liiska waxa loogu yeero Argagixisada 24-kii June ee Sanadkaan,waxaana tan iyo waxii Xilligaas ka dambeeyay uu wajahayay Cadaadis uga imaanayay Al-shabaab.

Lama oga halka uu ku dambeyn doono dagaalkan u dhaxeeya Mukhtaar Roobow iyo Al-Shabaab, iyadoo wali aanay suura gelin in wadaadka uu isku soo dhiibo dowladda Soomaaliya.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.