Suuqa ugu weyn Magaalada Gaarisa oo Gubtay

0

Wararka ka imanaya Magaalada Gaarisa ayaa sheegaya in suuqa  ugu weyn ee magaaladaasi ee loo yaqaano Suuq Mugdi  dab la qabadsiiyay,waxaana Dabka uu ku Fiday qeybo badan oo Suuqa kamid ah.

Dabka ayaa ku fidey qeybaha kala duwan ee suuqa, iyada oo la arkacayo holaca iyo qiiqa uu Dabku Sababay.

Qaar ka mid ah dadkii ganacsatada  ahaa ayaa alaabahooda ka daad gureysanaya , iyada oo shaqaalaha dab-damiska ay usoo gurmadeen suuqa, islamarkaasina dhuumo biyo ah ay ku daminayaan dabka.

Dabkan ka kacay suuqa ayaa kusoo aadaya xili guddiga doorashooyinka Kenya ay shaaciyeen natiijada doorashooyin halkaasi ka dhacay oo lagu tartamayay xilal kala duwan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.