Faah faahin ku saabsan Qarax goor dhawayd ka dhacay Muqdisho.

0

Gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa goor dhow oo caawa fiidkii ah ku qarxay wadada Maka Al-Mukarama, iyadoo gaarigan laga shakiyay ka hor inta uusan qarxin.

Wararka ayaa sheegaya in gaariga la dhigay wadada dhinaceeda goobo ganacsi oo ku dhow, gaar ahaan agagaarka Carwo Alkowther.

Ciidamada ammaanka ayaa lagu wargeliyay gaariga laga shakiyay, waxaana ay durbaba xireen wadada, iyadoo gaariga uu qarxay intii ciidamada amniga ku hareereysnaayeen.

Qaraxa oo ahaa mid aad u xooggan ayaa laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, waxaana Qaraxan loo adeegsaday Gaari la dhigay Wadada dhinaceeda.

Ciidamada ammaanka ayaa ku raad-jooga ninkii gaariga ka degay oo la sheegay inuu cararay, markii uu wadada dhinaceeda uu dhigay.

Khasaaraha ka dhashay qaraxa ayaa ah mid aad u kooban, maadaama wadada la xiray ka hor inta uusan qarxin, dadkana lagu wargeliyay inay ka fogaadaan.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa qaraxyo is daba joog ah oo loo adeegsaday gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay waxa uu ka dhacayay wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama oo ah wado halbowle u ah isu socodka magaalada. taasoo muujinaysa in Hay’adaha Ammaanku ay ku fashilmeen Sugidda Amiga Wadada kaliya ee Masuuliyiinta Dawladdu isticmaalaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.