Alshabaab oo weeraray Hogaamiyahoodii hore Muqtaar Rooboow Abuumansuur.

0

Ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya ayaa gaaray deegaanka Abal ee Gobalka Bakool oo ay Shalay ku dagaalameen maleeshiyo Daacad u ah Shiikh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur iyo Dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo degaankaasi ayaa waxa ay sheegayaan in Shabaabkii weerarka soo qaaday ay dib ugu laabteen degaanka Labaatan Jirow oo markii hore ay ka yimaadeen.

Wasaaradda Amniga maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya  ayaa sheegtay in deegaanka Abal oo ka tirsan Bakool ay hada gaareen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed.

Abuu Mansuur ayaa shalay dalbaday Ciidamo Gurmad ah oo ku Caawiya dagaalka uu kula jiro Al-shabaab kaas oo shalay socday wax ka badan afar Saacadood oo xariir ah.

Abuu Mansuur oo ay is qabteen Hogaamiyihii hore ee Kooxda Axmad Godane ayaa tan iyo waqtigaasi wixii ka dambeeyay aan la shaqaynaynay Kooxda, iyadoo marar badana ay guul daraysteen isku dayo la doonayay in lagu dhex dhexaadiyo isaga iyo Kooxdii uu ka tirsanaa. Waxaana dhawaan si rasmiya ay Maraykanku uga saareen Liiska Argagixisadda Caalamka, taasoo soo dadajisay in Kooxda Alshabaab ay weeraraan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.