Hooyadda Dhashay Wasiir Cabaas Siraaji oo dalbaday in la toogto Askarigii Dilay Wiilkeeda.

0

Hooyo Xaliimo Salaad Fille oo ah Hooyadda dhashay Wasiir Cabaas Siraaji oo lagu dilay Agagaarka Madaxtooyo ayaa dalbatay in laga dhabeeyo Go’aanka Maxkamadda Ciidanka oo Tiirka la geeyo Askariga Dilay Wiilkeeda.

“Wiilkayga isagoo Dalkiisa u shaqaynaya ayaa la dilay, waanan ka samray, laakiin warankiibeey inta i galiyeen igu jiljilayaan,” ayeey tiri Hooyo Xaliimo oo Murugo badan ka muuqato.

Dable Caydiid oo ah Askariga lagu helay Dambiga ah inuu Dilay Wasiir Cabaas Siraaji ayeey Maxkamadda Ciidamadda Qalabka Sidda ku xukuntay Dil Toogasho ah, taasoo ay qayla dhaan ka keeneen Beesha uu ka dhashay Askariga wax dilay.

halkan ka daawo Muuqaalka Hooyo Xaliimo oo ay ka muuqato Murugo badan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.