Baarlamaanka Somaliland oo Maanta Gacanta iskula tagay. iyo Rasaas laga maqlayo Xaruntooda.

0

Buuq iyo Gacan ka hadal ayaa hareeyay Kulan Maanta ku yeesheen Xarunta Baarlamaanka Ee Magaalada Hargeysa Golaha Wakiilada Maamulka Somaliland.

Xubnaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa ka dhex taagan Khilaaf ka dhashay Doorashadii Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Baashe,iyadoo Xildhibaan Tanyale oo kamida Golaha Wakiilada Somaliland uu sheegay inuu yahay Guddoomiyaha Saxda ah ee Golaha Wakiilada.

Kulankii Maanta ayaa Xildhibaanadu ay Gacanta iskula tageen,waxaana ku dhaawacmay Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland Mr Baashe, iyo Xildhibaan kale ka dib markii ay Is feereen Xildhibaanada qaar.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa la wareegay Xarunta,waxaana Xarunta laga Maqlay Rasaas ay ridayeen Ciidamo Illaalo u ah Xildhibaanada qaar.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.