Xog: Khayre oo La Taliyihiisa Gaarka ah u magacaabay Seedigiis, Waa Kuma La Taliyahaas,?

0

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa u magacaabay Seedigiis C/qaadir Nadaara inuu noqdo La taliyihiisa dhinaca Warfaafinta. Waxaana uu qabaa Nadaara Gabar Qaraabo dhaw la ah Raiisul Wasaaraha.

Sahro Cali Ciid oo ah Marwadda C/qaadir Nadaara, Isla markaana dagan North East London, waxay Qaraabo dhaw yihiin Raiisul Wasaare Khayre, taasoo fursad u siisay inuu noqdo La Taliyihiisa Gaarka ah.

C/qaadir Nadaara oo horay u ahaa Wariye, kadibna noqday Afhayeenka Maamulka Koonfur Galbeed Somalia waxa uu haystaa Dhalashada Wadanka Ingiriiska, halkaas oo uu daganaa Khayre markii uu ka soo guuray Norway.

La Taliyayaasha Dawladda ayaa intooda badan haysta Baasabooro Reer Galbeed ah, sababtuna waxay tahay La Taliye kasta oo haysta Dhalashada Wadamada Reer Galbeedka waxaa siisa Mushaar dhan $6,000 IMO, taasoo ay u dheer tahay Gunnadda Dawladda oo ah $2,000.  Mana la qiimeeyo Qofka La Taliyaha noqonaya inuu aqoon u leeyahay waxa uu ka Tala bixinayo iyo in kale.

Somalia hadda waxaa yaraaday Musuq Maasuqii Boobka Hantidda, taasoo lagu ammaanay Madaxda Dawladda, waxaase soo kordhay Musuqa la xiriira Xilalka la isugu dhiibayo Qaraabanimo iyo in laga wada yimid Dal Shisheeye.

 

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.