Wasiir Ku Xigeenka Haweenka oo beenisay in Ciidankeedu ay Wax dileen.
Wasiir Ku Xigeenka Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Xildhibaanad Samiiro Ibrahim Cumar oo la hadashay Hornafrik waxay iska fogaysay in Illaaladeedu ay dileen Dad Shacab ah. Waxayna ku tilmaantay Wararkaasi kuwo ay faafinayaan Dad doonaya inay Sumcadeeda waxyeeleeyaan.
Marwo Samiiro waxay sheegtay inay ka xun tahay Muwaadinkaasi sida Xaqdaradda ah lagu dilay, Isla markaana ay dalbanayso in la sameeyo Baaris dhab ah si loo hello ciddii ka dambaysay Ficilkaasi waxashnimadda ah.
Xildhibaanaddu waxay sheegtay in Goobta wax lagu dilay aysan tagin 5 Billood, Isla markaana Xafiiskeedu uu ku yaalo Wasaaradda Warfaafinta oo ay dhex dagan tahay Wasaaradda Haweenku, halka Gurigeeduna uusan ka fogayn, Waxayna intaasi ku dartay inaysan jirin cid ka tirsan Illaaladeeda oo arrintan loo xiray,
“Istaafkaygu gurigay joogaan, mana jirto qof ka maqan iyo cid loo xiray toona, Gaarigayguna waa Landcruiser ah Nooca aysan xabaddu karin, mana lihi Gaari Qooqan Dul Banaan ah oo la sheegay inay wateen Ciidanka dilay Qofka Shacabka ah,” Sidaana waxaa tiri Xildhibaanad Samiiro.


