Hadda: Suuqa Bakaaraha oo Dab ka kacay, iyo Ganacsatadii oo loo diiday inay galaan Suuqa.

0

Suuqa ugu wayn Ganacsiga Somalia ee Bakaaraha ayaa lagu soo waramayaa inuu dab xoogan ka kacay, Waxaana Holaca Dabkaasi laga arkayaa Degmooyinka ka fog Suuqa, iyadoona ay ku hawlan yihiin Daminta Dabkaasi Gawaaridda Dab Damisyadda Shirkadda Hormuud iyo kuwa Gobalka Banaadir.

Dabka ayaa ka kacay Qaybta Dahablaha ee Suuqa Bakaaraha, kadibna waxa uu ku faafay Qaybo kale oo badan, Waxaana Suuqa soo buux dhaafiyay Ganacsatadda oo aan habeenkii imaan jirin, si ay u badbaadsadaan Hantidoodu, hase yeeshee Ciidamadda Ammaanka ayaa is hortaag ka sameeyay in la galo Suuqa, taasoo ay u arkaan Ganacsatadda inay meesha ka saarayso Fursad ay ku badbaadsan lahaayeen Hantidooda.

Ma cadda Khasaaraha Hantiyeed ee ka dhashay Dabkan, Waxaaana goobta ku sugan Wariyayaasha Hornafrik oo idiin soo gudbin doona Muuqaalo iyo Sawiro muujinaya sida xaalku yahay.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.