Xog: Ciidamo Itoobiyaan oo weerar ku ah mid ka mida Fariisimadda Alshabaab.

0

Ciidamo Ethiopian ah oo wata gaadiid dagaal ayaa tagay magaalada Baydhabo, kuwaasoo ku wajahan magaalada Leego ee G/Sh/hoose oo Jimcihii lasoo dhaafay Al-Shabab qabsadeen markii ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dawladu ka baxeen.

Wararka ayaa sheegaya ciidamada Ethiopianka ah ee Baydhabo tagay oo wata 40 gaadiidka dagaalka uu qorshahoodu yahay inay u gudbaan dhanka Leego oo hadda Al-Shabab maamulaan.

Saraakiil ka tirsan Ciidamadda Dawladda ayaa Hornafrik u sheegay inay Ciidamadda Itoobiya ay wehliyaan Ciidamo Soomaali ah, Waxaana qorshahoodu uu yahay inay isku furaan Wadada dheer ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo, taasoo aysan isticmaalin hadda Ciidamadda iyo Masuuliyiinta oo Baydhabo iyo Muqdisho isaga safra Diyaarad.

Magaaladda Leego ayaa gashay Gacanta Kooxda Alshabaab Jimcihii markii ay halkaas isaga baxeen Ciidamaddda Dawladda iyo kuwo AMISOM, Waana Magaalo istaraatiiji ah.

 

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.