Baarlamaanka Somaliland oo Doortay Guddoomiye

0

Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta kalfadhi ku yeeshay Magaalada Hargeyso. iyagoona guddoomiyaha golahaasi u doorteen Baashe Maxamed Faarax.

Kalfadhiga maanta oo ay fadhiyeen 78 mudane waxaa golaha markii la furey is casiley Guddoomiye ku xigeenkii hore ee golaha kaasi oo markii dambe u tartamaya kursi wakiilada, Baashe Maxamed Faarax waxaa uu helay codeyntii musharaxiinta 39 cod halka musharaxa kale ee Cabdiraxmaan Maxamed Tanyanle uu helay 38cod.

Cabdiraxmaan Cirro ayaa xilkaasi iska casilay Arbacadii todobaadkii hore, waa markii u horeysay ee golaha wakiilada Somaliland guddoomiye doortaan muddo 12sano kadib

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.