Xog: AMISOM oo is hortaag ku samaysay in Garoonka uu Habeenkii shaqeeyo, Sababtu maxay tahay,?

0

AMISOM ayaa gabi ahaanba ku gacan sayrtay Go’aankii Dawladda Somalia ee ahaa in Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde uu habeenkii shaqeeyo. Waxayna is hortaageeda u isticmaashay Qaab Awood Ciidan ah, taasoo waji gabax ku noqotay Maamulka Garoonka iyo Guud ahaan Dawladda Somalia.

Muran isu badalay Awood Sheegasho ayaa dhex maray Saraakiisha AMISOM ee gacanta ku haya ammaanka garoonka iyo Maareeyaha garoonka Aadan Cadde, Gen Cabdi Ashir, kaddib markii Khamiistii ay Ciidamada AMISOM albaabka laga galo garoonka sidii caadada aheyd dhagxaan ku xireen, markii la gaaray 05:00 galabnimo oo ah xilliga laga rawaxo garoonka.

Maareeyaha Garoonka ayaa bixiyay Amar ah in la furo Qaybta Bixitaanka Garoonka, si ay u maraan Dadka isticmaalaya Garoonka Galinka dambe, balse AMISOM ayaa si cad uga hor yimid Amarkaasi, Waxayna ku tilmaameen mid aan la jaan qaadi karin Waaqiciga jira.

Maamulka Garoonka oo ka xanaaqay is hortaaga AMISOM ayaa la yimid Gaari Cagaf ah oo dhagxaanta ay si awood ah uga qaadaan meesha, balse AMISOM waxay markaa kadib ku gooyeen Albaabadda Garoonka Gawaaridda Gaashaaman. iyagoona waliba xirtay Difaac Ciidan, Isla markaana u diiday xittaa Maareeyaha Garoonka inuu u soo dhawaado.

Shir ay isugu yimaadeen Saraakiisha AMISOM iyo Maamulka Garoonka ayaa fashil ku dhamaaday, kaddib markii ay AMISOM diiday inay damaanad qaado amniga Garoonka xilliyada habeenkii.

Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Maxamed C/llaahi Salaad ayaa Axadii la soo dhaafay ku dhawaaqay in garoonka diyaaradaha Aadan cadde uu wixii hada ka dambeeya uu shaqeynayo habeenkii, isla markaana la kordhiyay saacadaha shaqo ee garoonka, lana gaarsiiyay illaa 10:00 habeenimo.

Nalalka ifiya dhabaha ay ku ordaan diyaaradaha ayaa dhowaan laga hirgeliyay garoonka, taasoo dowladdu sheegtay inuu sahli doono in garoonka uu shaqeeyo habeenkii.

Inkastoo ay Dawladda ku dhawaaqday in Garoonka uu habeenkii shaqaynayo haddana baaris ay samaysay Hornafrik waxay ku ogaatay inuusan Go’aankaasi meel mari doonin, Waxayna ahayd Hornafrik warbaahintii ugu horaysay ee soo bandhigta Caqabadaha hortaagan in Garoonku habeenkii shaqeeyo. halkan ka akhriso warka aan ka qornay arrintan 30 June.

Xog: Caqabadaha hortaagan in Garoonka Muqdisho uu habeenkii shaqeeyo. Miyeeysan ka warhayn Caqabadahan Dawladdu,?

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.