Baarlamaanka oo cafiyay Wasiir Xoosh, kadib markii uu hortagay.

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa Maanta Kulan ku yeeshay Xarunta ay ku shiraan Ee Golaha Shacabka ee Magalaada Muqdisho,waxaana Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka hortagay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Mudane C/raxmaan Xoosh Jabriil oo Xildhibaanadu ay Maalmahaan ku dhaganaayeen.

Kulanka Maanta Ee Xildhibaanada Golaha Shacabka waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari,waxaana soo Xaadiray 153 Mudane.

Ajandaha Kulanka Maanta ayaa ahaa Ka Doodida Xil-haynta Wasirka Arrimaha Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil oo Baarlamaanka dhexdiisa muran ka dhex dhalshay iyo Qeybinta Warbixinta Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta Akhrinta Labaad.

Wasiirka Dastuurka Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil oo Golaha Shacabka ka hor hadlay ayaa sheegay inuu Baarlamaanka ka raali gelinayo Hadal uu ku qoray Bartiisa Facebook iyo Twitter oo ahaa inuu ka soo horjeestay Go’aankii ay Xildhibaanadu ku laaleen Warkii Maxkamadda Sare ee ahaa in dib loogu laabto Doorashada 8-Xildhibaan oo kamida Golaha Shacabka.

Wasiir Xoosh ayaa sheegay in haddii uu ogaan lahaa in Warkaas uu Heerkaan soo gaarayo uusan Qoreenba,iyadoo uu Xildhibaanada ka raali galiyay Warkaasi lagu haystay.

Xildhibaanada Golaha Shacabka gaar ahaan kuwii Mooshinka ka keenay Wasiirka ayaa sheegay in ay Cafiyeen,maadaama uu Raali gelin dhiibay Wasiirka Arrimaha Dastuurka Xukumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jabriil

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.