Alshabaab oo sheegtay Dilka Gudoomiyihii hore ee Gobalka Galgaduud.

0

Guddoomiyihii Gobolka Galgaduud Maxamed Cali Cilm ayaa caawa lagu dilay Xaafadda Carafaat ee Degmadda Yaaqshiid ee Muqdisho. Waxaana lala dilay Gudoomiyaha nin la socday.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Hornafrik in rag daba socday Gudoomiyaha iyo ninka la dhintay ay dhabarka dambe ka toogteen, kadibna marka ay dhaceen ay sii dhamaystireen.

Guddoomiyahii hore ee Gobolka Galgaduud oo mudooyinkan ku sugnaa Muqdisho waxa Dilkiisa sheegtay Kooxda Alshabaab oo war ay ku soo daabaceen Boggooda ku faanay inay iyagu dileen Odayaashaas, Waxayna ku tilmaameen Dilka Dadkaasi Rayidka ah Guul u soo hoyatay, iyagoo sidoo kalana ku tilmaamay Masuulkii ugu sareeyay ee ay dilaan tan iyo inta uu Xilka qabtay Madaxwayne Farmaajo.

Dhinaca kale Koox hubeysan ayaa caawa degmada Dharkeenley ku dilay Nabadoon caan ahaa oo lagu magacaabayay Geeddi Firdhiye.

Nabadoonka ayaa la dilay kaddib salaadii cishaha, waxaana kooxdii dilka geysatay la sheegay inay goobta ka baxsadeen.

Nabadoonka la dilay ayaa caan ka ahaa Deegaanka Garasbaaleey iyo Dharkeenleey.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.