Daawo-: South Africa oo lagu gubay goobo ganacsi oo ay soomaali leedahay

0

Johannesburg-Horafrik- Dr Maxamed C/laahi Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka South Africa oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay inay ay ka waalacsan yihiin weeraro ku soo kordhay ganacsatada  Soomaalida ku nool dalkaasi.

Jaaliyadda Soomaalida ayaa soo bandhigay muuqaalka iyo qasaaraha weeraradii 31-kii Jully lagu qaaday goobo ganacsi oo ay soomaali leedahay, waxa ayna u tacsiyadeeyay dadkii halkaasi ku dhintay.

weerarkaan oo loo adeegsaday dhalooyinka basiinka lagu shubo ee loo yaqaano “Padrol Bamb” aya waxaa ku geeriyooday alle ha u naxariiste muwaadiniin soomaali ah oo lagu kala magacaabo Cali Maxamuud Cali, Cabdullaahi Cali Caymooy.

Ganacsatada soomaalida ah iyo ganacsigoda ayaa si gaar loogu bartilmaameedsadaa dalka south Africa iyadoo Doowladda dalkaasi aysan wax muuqdo arinkaasi ka qaban.

Hoos ka daawo Sawirada

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.