Baarlamaanka oo Maanta Go’aan ka gaaraya Xilka Wasiirka Dastuurka, Muxuu noqon karaa Go’aankaasi,?

0

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya go’aan ka gaarista Xil heynta Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil.

Kulan shalay Guddiga Joogtada ku yeeshay Xarunta Golaha shacabka ayaa waxay isku raaceen in arrinta Wasiirka loo gudbiyo kulanka guud ee golaha shacabka, iyadoo illaa 10 ka mid ah xubnaha Guddiga Joogtada ay ogolaadeen in kiiska loo soo gudbiyay dib loogu celiyo Xildhibaanada, si ay go’aan uga gaaraan. Waxayse iyagu soo jeedin doonaan in Kalsoonidda laga laabto Wasiir Xoosh, inkastoo uu Go’aanka leeyahay Baarlamaanka Somalia.

Kulanka maanta ayaa ah mid aad xasaasi u ah oo isha lagu wada haayo, waxaana la ogeyn sida uu noqon doono go’aanka Baarlamaanka ka qaadan doono arrinta Wasiir Xoosh.

Wasiir Xoosh ayaa lagu heystaa inuu Baarlamaanka hor-tagi waayay, kaddib markii loo yeeray, waxaana uu horay uga hor yimid qaraarkii Xildhibaanada golaha shacabka ku laaleen go’aankii ka soo baxay Maxkamadda sare, kaasoo ahaa in dib loogu laabto doorashada 8 Xildhibaan.

Warar ay heshay Hornafrik waxay sheegayaan in Wasiir Xoosh uu Maanta Dalka dib ugu soo laabtay, isagoo keensaday Waraaqo muujinaya inuu Arrimo Caafimaad u tagay Kenya, kuwaasoo laga yaabo inuu u gudbiyo Guddoonka Golaha Shacabka. Waxaase suuragal ah in Baarlamaanku aysan tixgalin Waraaqahaasi oo ay kalsoonidda kala laabtaan Wasiirka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.