Xog: Baarlamaanka oo bari go’aan ka gaaraya Xilka Wasiir Xoosh Jibriil, Muxuu noqon karaa Go’aankaas,?

0

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maalinta biri ah kulankooda caadiga ah ku yeelan doona magaalada Muqdisho waxaana ajandaha ay ka doodi doonaan la sheegay in uu yahay go’aan ka gaarista Wasiirka  Dastuurka Xukumada Soomaaliya oo ku maqan dalka dibidiisa, kadib markii uu todobaadkii hore imaan waayay Golaha Shacabka.

Fariimo qoraaleed loo diray Xildhibaanada golaha shacabka ayaa lagu wargeliyay in maalinta berri oo ah Arbaco, Taariikhduna tahay 2 bisha August inay soo xaadiraan kulanka guud ee golaha shacabka.

“Mudane Xildhibane, berri oo ah Arbaco Tr. 02/08/2017 Saacadda: 09:00am waxaa jira kulanka guud ee golaha shacabka. Ajendaha: ka doodista iyo go’aan ka gaarista Wasiirka Arrimaha Dastuurka”ayaa lagu yiri fariimo qoraaleed Xafiiska Guddoonka Golaha shacabka u diray Xildhibaanada.

Axadii la soo dhaafay ayay aheyd markii Wasiir Xoosh uu ka cudur daartay u yeeristii Baarlamaanka, xilli Xildhibaanada ay sugayeen, waxaana taas ka dhashay muran Xildhibaanada ku kala qeybsameen go’aanka laga gaarayo, iyadoo codsi fasax ah oo uu soo gudbiyay Guddoonka oo ahaa inuu hor imaanayo Baarlamaanka 11 bisha Agosto ayaa cod loo qaado in loo ogolaado iyo in kale, iyadoo Xildhibaanada qaar ay soo jeediyeen in dib u eegis lagu sameeyo xilkiisa, maadaama uu ka dhega adeegay u yeeristii Golaha shacabka.

Guddiga Joogtada ah ee Baarlamaanka ayaa loo xil saaray inay Go’aan ka gaaraan Xilka Wasiirka Dastuurka, Waxaana Xubno ka tirsan Guddiga ay Hornafrik u soo dusiyeen inay diyaariyeen Qodobadda loo cuskanayo Kalsooni kala laabashada Wasiir Xoosh oo ay hordhigayaan Bari Baarlamaanka si looga doodo. iyadoona kadib cod la galin doono Kalsooni kala laabashadda Wasiir Xoosh.

Wasiir C/raxmaan Xoosh Jabriil ayaa la sheegay in uu xanuun ugu maqan yahay dalka Kenya, isagoo dalbaday in la siiyo ilaa 11 Bishaan, inkastoo ay ka diideen Xildhibaanada Golaha shacabka.

Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa maalmihii la soo dhaafay qoraalo uu soo dhigayay bartiisa bulshada ku weerarayay Baarlamaanka, taasoo cirka ku sii shareertay Xiisadda u dhaxaysay isaga iyo Baarlamaanka.

Xiisadda Wasiirka iyo Baarlamaanka ayaa ka billaabatay markii uu Bartiisa Twitter-ka ku naqdiyay Go’aankii ay ku laaleen Baarlamaanka Somalia amarkii Maxkamadda Sare ee ahaa in dib loogu laabto Doorashadda 8 Kursi Baarlamaan, taasoo Wasiirku uu ku sheegay inaysan xaq u lahayn Baarlamaanku inay ka hor yimaadaan Go’aan Maxkamadeed.

Arrinta Wasir Xoosh ayaa la aaminsan yahay in haddii ay ku dhamaato in Kalsoonidda ay kala laabtaan Baarlamaanku inay u tahay Tijaabo Siyaasadeed Raiisul Wasaare Khayre, taasoo lagu ogaan karo Xildhibaanadda ku xulufadda ah. Waxaana laga yaabaa inay soo dadajiso Mooshinka aan soo ban bixin ee ka dhanka ah Xukuumadda uu hogaaminayo Khayre.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.