Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland oo Iscasilaya

0

Guddoomiyaha Golaha wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ahna musharax madaxwayne ee Xisbiga Mucaaridka ee Waddani ayaa maanta cadeeyay in kursiga golaha wakiilada uu baneynayo oo xilkaasi uu iska casilayo maalinta beri ah ee Arbacada.

Mudane Cabdiraxmaan Cirro ayaa xilkaasi guddoomiyenimada muddo laba iyo toban sano ah ku fadhiyay balse waxaa ay is casilaadiisu sabab u ah inuu musharax madaxwayne u yahay xisbiga Mucaaridka ee Waddani oo bisha 11aad ee sanadkan u tartamaya doorashada madaxwayne ee Maamulka Somaliland.

Kalfadhi aan caadi ahayn ayaa beri iskugu imanayaa golayaasha baarlamaanka Somaliland sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska xoghayaha guud ee golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.