faah faahin ku saabsan Qaraxii ka dhacay Kismaayo.

0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Goor Dhow uu ka dhacay Qarax  loo adeegsaday Gaari Walxaha laga soo buuxiyay Walxaha Qarxa.

Qaraxa ayaa lala beegsaday Maqaayado ku yaalla Meel u dhaw Xarunta Baarlamaanka Jubbaland EE Magaalada Kismaayo,waxaana jira Khasaare isugu jira Dhimasho iyo Dhaawac oo soo gaaray Dadkii ku sugnaa Maqaayadaha la Qarxiyay.

Maqaayadaha Qaraxa lala beegsaday ayaa ka soo horjeeda Xaruntii hore ee Ceymiska Magaalada Kismaayo,waxaana la sheegay in ay yihiin Maqaayadahaasi kuwo dadku ay Camiraan oo laga Qaxweeyo.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay Hornafrik in Gaariga la soo dhigay Maqaayadda, Isla markaana uu ka tagay Qofkii soo dhigay. Waxaana illaa iyo hadda buux dhaafiyay Isbitaalka Dhaawacyo.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.