Maxkamadda Sare ee Ciidanka oo Xukun ku riday Askarigii loo haystay Dilkii Wasiir Siraaji.

0

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida ayaa saaka dil toogasho ah ku xukuntay askari loo haystay Dilka Wasiir Cabaas Siraaji oo lagu toogtay Agagaarka Madaxtooyo 19-kii June. xilli uu watay Baabuur yar oo Nooca Raaxadda ah.

Axmed C/llaahi Cabdi oo 29 jir ah, kana mid ahaa Ilaalada Hanti dhowrkii Guud oo isaga laf ahaantiisa Kiiska Dilkan Xilkan looga qaaday ayeey Maxkamadda Sare ku waafaqday Xukunkii ay ku riday Maxkamadda Darajadda 1-aad. kadib markii uu Racfaan ka qaatay Xukunkii hore.

Qareenadda difaacayay Askarigan ayaa ku doodayay in Kiiskan uusan jawaabtiisu ahayn Dil oo ay tahay inaan lagu dag dagin, Waxayna ku tilmaameen Dilka mid aan ku talagal ahayn,

Wasiir Cabaas Siraaji ayaa la dilay horaantii bishii May, kaddib markii laga toogtay gaari ay saarnaayeen Ilaalada Hanti dhowrkii Guud.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.