Al-Shabaab oo sheegay in 39 askari ka tirsan AMISOM ku dishay dagaal ka dhacay Sh/Hoose

0

Dagaalo culus oo u dhaxeeya Al-Shabaab iyo AMISOM ayaa saaka ka dhacay deegaano u dhow degmada Buulo Mareer ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa ka dambeeyay, markii wadada loo galay ciidamo ka tirsan AMISOM oo ku sii jeeday Buulo Mareer.

Wararka ayaa intaa ku daraya Kolonyada Ciidamada AMISOM ay saddex meel wadada loogu galay, iyadoo dagaal qaraar oo ka dhacay deegaanka Golweyn uu qaatay ku dhowaad labo saac.

War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in dagaalka ay ku dileen 39 askari oo ay ku jiraan Saraakiil ciidan.

Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalyahanadooda ay gacanta ku hayaan meydadka askar ka tirsan AMISOM oo u dhalatay dalka Uganda, waxaana warbaahinta ku hadasha afka Shabaab ay sheegeen in la soo bandhigi doono

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay AMISOM hadalka ka soo yeeray Al-Shabaab ee ah inay dileen 39 askari.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.