Saraakiil u ololaynaysay Uhuru Kenyata oo laga afduubtay meel u dhow Xadka Somalia iyo Kenya.

0

Koox ka mid aheyd Guddiga ololaha doorashada Xisbiga Jubilee ee talada haya ayaa lagu qafaashay magaalada Mandhera ee Gobolka waqooyi bari Kenyan.

Kooxdan ayaa la socotay gaari ka mid ahaa kuwa loogu ololeynayay Madaxweyne Uhuru Kenyatta oo mar kale sanadkan u sharaxan xilka Madaxtinimada Kenya.

Taliyaha Booliska ee waqooyiga Mandhera Charles Chacha ayaa sheegay in afduubkan uu dhacay maalinimadii shalay, ayna ka shakisan yihiin inay ka dambeeyaan Al-Shabaab.

Ciidamada Booliska ayaa wada howl gallo ay ku baadigoobayaan gaarigan la qafaashay oo ay la socdeen dad aan tiradooda la sheegin, balse ka mid ahaa u ololeyaasha Xisbiga Jubilee.

Al-Shabaab ayaa uga digtay dadweynaha Kenya inay ka qeyb qaataan doorashada madaxtinimada dalka Kenya, waxaana muuqaal ay soo saartay Kooxda oo ka soo muuqday dagaalyahano ku lahdlayay luqadaha looga hadlo Kenya ay ugaga digayeen dadka inay doorashada ka qeyb galaan.

Bisha soo socota ee Agosto ayaa lagu wadaa inay dalka Kenya ka dhacdo doorashada Madaxtinimada Kenya oo sanadkan ah mid xiiso leh, ayna ku tartamayaan Musharaxiinta kala ah Uhuru Kenyatta oo mar kale doonaya inuu ku guuleysto xilka iyo Raila Odinga oo sanadkii 2013 looga adkaaday doorashadii dhacday.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.