Xildhibaan Mahad Salaad oo jawaab ka bixiyay Hanjabaada uu u jeediyay Taliyaha NISA, Sanbaloolshe.

0

Xildhibaan Mahad Salaad oo ka jawaabay hadal hanjabaad oo shalay uu Warbaahinta u marsiiyay Taliyaha Nabadsugidda, C/laahi Sanbaloolshe ayaa ku dhaliilay Taliyaha inuu ku dhex milmay Siyaasad, isla markaana ay tahay inuu ku ekaato Shaqadda loo magacaabay. Wuxuuna Xildhibaanku sheegay inaysan marnaba ka baaqsanayn gudashadda Waajibaadkiisa Qaran oo ay ka mid tahay inuu dhaliilo wixii qaldan.

Halkan ka akhriso Qoraalka uu Bartiisa Facebook ku soo qoray Xildhibaan Mahad Salaad.

Asc asxaabta sharafta leh. Salaan kadib sxbada fariimaha kala gedisan iisoo qoray iyo kuwa isoo wacayba waan u mahadcelinayaa. Inshaa’allaah marna kama ganban doono waajibaadka Qaran ee la ii doortay iyo mas’uuliyada iga saaran Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed.

Taliye yaasha Hay’adaha Amniga waxaa ila haboon inay gartaan mas’uuliyadoodu waxa ay tahay ee aysan dhex boodin Arimaha Siyaasada. Kuna mashquulin doodaha iyo fariimaha Xildhibaanadu uga hadlayaan qaladaadka Xukuumada iyo Hay’adaha Amnigu galayaan maalin walba, sababtoo ah waa arin Dastuuri ah waana qayb kamid ah waajibaadka shaqo ee Xildhibaanada.

Sidoo kale anigu waxaan kitaab ku maray inaan ahay Xildhibaan Qaran oo Dalka, Dadka, Diinta iyo Dastuurka intaba ilaalin doona sidaas darteed inaan guto waajibka i saaran cidna marti ugama noqonayo. Hanjabaada Taliyaha Hay’ada Nabad Sugida ugu gafay Xildhibaanadana jawaabteeda maalin kale ayaan u dhiganeynaa inshaa’allaah.

DALKANA LAGUMA MAAMULI KARO WAREEGTO IYO WARSAXAAFADEED.

Mahadsanidiin sxbo yaal.

Xildhibaan Mahad Salad

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.