Abuukar Baale oo waxba kama jiraan ku tilmaamay inuusan ku haysan Xasaanad Diblomaasi Newyork.

0

Danjiraha dowladda Soomaaliya u magacawday Qaramada Midoobey Abuukar Daahir Cusmaan (Abuukar Baalle) ayaa shalay waraaqihiisa aqoonsiga guddoonsiiyay Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Gutterres.

Abuukar Baalle ayaa wareysi uu siiyay Laanta afka Soomaaliga ee VOA ku sheegay in si wanaagsan loogu soo dhoweeyay xarunta Qaramada Midoobey, isla markaana isaga iyo safiiro kale oo ka socday Jarmalka iyo Maldives laga guddoomay waraaqaha aqoonsiga.

Mr Abuukar Baalle ayaa sheegay in isaga iyo kooxdiisa la socotay ay kulan gaar ah la qaateen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey ayna ka wada hadleen sidii wada shaqeyn u noqon laheyd mid joogto ah iyo arrimo kale oo quseeya xaalada Soomaaliya.

Mar wax laga weydiiyay in xilka Safiirnimada uu si saaxibtinimo ahaan ugu magacaabay Madaxweyne Farmaajo oo ay saaxib dhow yihiin, horayna u soo wada shaqeeyeen xilligii uu Ra’iisul Wasaaraha ahaa ayuu sheegay in khibradiisa loogu magacaabay.

“Waa run aniga iyo Madaxweynaha saaxib ayaa nahay, waa la soo shaqeeyay wax qarsoon ma ahan, taasna ma ahan habka shaqada la igu dhiibay ee New York, shaqo ka weyn ayaa hayay oo ahaa Agaasimaha Madaxtooyada, maadaama Madaxweynaha uu yahay nin khibrad u leh dhinaca arrimaha dibadda ayaa markuu arkay khibradeyda iyo baahida ka jirtay New York iigu magacaabay Safiirka Qaramada Midoobey”ayuu yiri Danjire Abuukar Baalle.

Waxaa kaloo la weydiiyay wararka sheegaya in aanu laheyn xasaanad diblomaasi ah, maadaama uu labo dhalasho heysto Mareykan iyo Soomaali ayuu waxba kama jiraan ku tilmaamay, isagoo xusay inuu heysto xasaanad dhameystiran

“Aniga Mareykanka Baasaboor diblomaasi ayaa ku imid, dowladda Mareykanka waa ogtahay, Xasaanad waa heystaa,  illaa 17 safiir oo halkan jooga oo dhalashada Mareykanka heysta iyo dhalashada dalkooda ayaa jira wax cusub ma ahan, warkaas waxaa faafinaya dadka aan aqoon sharciyada iyo warbaahinta Tabloid, xasaanad dhameysiran ayaana heystaa, shaqadeeda waxaa u gudanayaa sida safiirada halkan jooga ay shaqadooda u gutaan”ayuu yiri Danjire Abuukar Baalle.

Abuukar Baalle ayaa dhowr bilood ahaa Agaasimaha Madaxtooyada Villa Soomaaliya, iyadoo markii laga qaaday xilkaas loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhin doono Qaramada Midoobey.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.