UN-ka oo Warbixin ay soo saareen ku eedeeyay Sacuudiga inuu laayay Soomaali Tahriibayaal.

0

Baarayaal ka tirsan Qaramadda Midoobay ayaa ku eedeeyay Isbahaysiga Ciidan ee uu hogaamiyo Sacuudigu inay ka dambeeyeen Weerar Bishii March ee Sannadkan lagu laayay Soomaali Tahriibayaal ah oo Dooni kaga baxay Yemen. Waxayna Warbixintan oo Nuqul ka mida ay aragtay Reuters lagu sheegay  in Isbahaysigu uu ku dadaalay inaan Dalna si gaar ah wax u sheegan, si aan loo helin Xogta saxda ah ee waxa dhacaya.

Isbahaysiga Sucuudigu waxay beeniyeen inay ku lug lahaayeen Duqaynta lagu laayay Tahriibayaasha Doonta saarnaa meel u dhaw Dekadda Xudaydah. Waxayse baarayaashu sheegeen in Doonidaasi ay ku dhinteen 42 Qof, 34 kalana dhaawacyo, halka Dadka saarnaa Doontana isu gayn ay ahaayeen 140 Qof.

“Doonida Shacabka waxaa lagu weeraray Qori Cabirkiisu yahay 7.62 oo laga soo ridayay Diyaarad Ciidan oo ah kuwa Qumaatiga u kaca,” sidaasna waxaa lagu yiri Warbixinta oo ka kooban 185 Bog oo ay soo diyaariyeen Guddiga kormeera Cunaqabataynta Yemen.

“Isbahaysiga Sucuudiga waa kuwa kaliya ee awood u leh inay kaga hawl galaan aagagaasi Diyaarad Ciidan oo Helicopter ah, Waxayna Diyaaradda ka soo kacday Markab Ciidan,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Isbahaysigu Sucuudigu hogaaminayo waxay faragaliyeen Yemen Sannadkii 2015-ka, iyagoo taageeraya Dawladda uu hogaamiyo Abdi-Rabbu Mansoor Hadi. Waxayna ka kooban yihiin Isbahaysigan Wadamadda kala ah Masar, Imaaraadka Carabta, Kuwait, Jordan, Morocco, Senagal, iyo Sudan.

Warbixinta Qaramadda Midoobay waxaa lagu sheegay in Weerarka uu xadgudub ku yahay Sharciga Caalamiga ah ee Bini’aadanimadda, isla markaana uu khatar ku yahay Nabadda, Amniga iyo Degenaanshaha Yemen.

Warbixinta waxaa sidoo kale lagu sheegay in Weeraro sidan oo kale ay fuliyeen Diyaarado Ciidan oo ka dhacay Biyaha Badda Cas lagu weeraray Doomo Kaluumaysi, kuwaasoo ay ku dhinteen 11 Qof, 8 kalana ku dhaawacmeen.

Isbahaysiga Sucuudigu hogaamiyo waxaa Warbixinta lagu sheegay inay Baarayaashu ka codsadeen inay uga jawaabaan Eedaymahan, Laakiin aysan u soo jawaabin.

Dadka lagu laayay Doonta waxay ahaayeen Muwaadiniin Soomaali ah, kuwaas oo aysan Dawladoodu wax masuuliyadda iska saarin sidii ay arrintan ugala hadli lahayd Isbahaysiga uu Sucuudigu hogaamiyo,

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.