Kenya oo ka digtay Weeraro lala beegsado Dalkeeda inta lagu gudo jiro Doorashooyinka.

0

Dowladda Kenya ayaa ka digtay weeraro ka dhaca dalkaas inta lagu guda jiro doorashada madaxtinimada dalkaas oo dhici doonta bisha soo socota.

Kusimaha Wasiirka Amniga gudaha Kenya Fred Matiang’i ayaa soo saaray digniin ku aadan weeraro Kooxda Al-Shabaab ka geystaan dalkaas iyo koox kale.

Ciidamada ammaanka Kenya ayaa feejignaan sare la geliyay, iyadoo ditaarado dagaal lagu ilaalin doono goobaha codbixinta ka dhici doonto.

“Waxaan diyaarinay ciidamo badan oo ka hortaga weeraro ay geystaan Al-Shabaab iyo kooxo kale, inta lagu guda jiro doorashada madaxtinimada”ayuu yiri Kusimaha Wasiirka Amniga.

Sidoo kale waxaa la adkeyn doonaa ammaanka magaalooyinka gobolka waqooti bari ee Kenya, halkaasoo ah meelaha inta badan weerarada ka geysato Al-Shabaab.

8-da bisha soo socoto ee Agosto ayaa la filayaa inay dhacdo doorashada Madaxtinimada dalka Kenya, iyadoo xisbiga talada dalka haya iyo mucaaradka ay wadaan diyaar garow olole oo aad u xooggan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.