Somaliland oo u magacawday Ergay Gaar ah Wadaxaajoodka kala dhaxeeya Somalia.

0

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa u magacaabay Adna Aadan Ismaaciil Wakiilka u qaabilsan Wada hadalada dowladda Soomaaliya.

Digreeto ka soo baxday Xafiiska Madaxweyne Siilaanyo ayaa lagu sheegay in Marwo Adna Aadan Ismaaciil ay tahay Ergeyga gaarka ah ee Wada hadalada Somaliland iyo dowladda Soomaaliya, lana shaqeyn doonto Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Sacad Cali Shire.

Marwo Adna Aadan Ismaaciil oo ah aqoonyahanad ayaa mar soo noqotay Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland.

Wada hadalada u dhaxeeya Maamulka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya ayaa hakad ku yimid, waxaa lagu wadaa in dhowana dib u furmaan.

Maamulka Somaliland ayaa sheegtay inay rajo ka qabto in wada hadaladii labada dhinac u dhaxeeyay inay dib u bilowdaan.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.