Madaxweeynaha Jabuti oo sheegay in gooni isu taaga Soomaali-land waxba ka jirin

0

 

Hargeysa-HornAfrik Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ka hadlay doorashooyinka Madaxtinimada  deegaanada Maamulka Soomaali-land ee la qorsheeynayo 13-Nov-2017 ineey dhacaan

Sida ay baahisay warbaahinta Gudaha Soomaali-land iyo Jabuuti Ismaaciil cumar Geelle ayaa Somaliland u jeediyay ineey iska iloowdo riyada ay ku dooneeyso ineey kaga go’do Soomaaliya, waxa uuna ku amaanay Soomaali-land nabada iyo kala danbaynta ay ka sameysay deegeenadeeda.

Madaxweyne Geelle ayaa sheegay in ay jirto hagar daameeyn lagu hayo Soomaali weyn, aduunkana uu ku jiro xaalad dagaal.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti ayaa sidoo kale sheegay in dhibaatooyinka  iyo Waqtiga adag oo ay ku jirto dhamaan Umadda Soomaaliyeed looga bixi karo wadajir iyo Walaaltinimo isagoo Soomaali-weyn ka dalbaday in ay iska ilaawaan dhibaatadii ay isku geesteen oo ay ka fakaraan sidii ay ugu gudbi lahaayeen caqabadaha ku hareersan

1991-kii ayeey Soomaali-land sheegtay ineey ka go’day soomaaliya inteeda kale, waxa uuna maamulka Soomaali-land mudadaasi ku talaabsaday hormaro dhinaca amniga iyo Maamulka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.