Baarlamaanka Somalia oo dib ugu celiyay Sharciga la Dagaalanka Musuqmaasuqa Wasaaradda Cadaaladda.

0

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa maanta dib u celiyay sharciga la dagaalanka musuq maasuqa, kaasoo ay Wasaaradda Cadaalada ay hor-keentay baarlamaanka,

Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa Golaha shacabka ka hor akhriyay sharciga dhismaha guddiga madaxa banaan ee la dagaalanka musuq maasuqa.

Sharcigan ayaa intii uusan ka gudbin akhrinta koowaad la kulmay caqabad, iyadoo Xildhibaanada ay soo jeediyeen in dib loogu celiyo Wasaaradda.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa soo jeediyay in sharcigan dib loogu celiyo Wasaaradda, maadaama qodobo muhiim ah ay ka maqan yihiin, sidaas darteed dib loogu celiyo Wasaaradda, si loo soo dhameystiro

Guddoomiye kuxigenka labaad ee Baarlamaanka ayaa u akhriyay Xildhibaanada qodobada lagama maarmaanka ee loo baahan yahay inay ka soo muuqdana hindise sharciyeedkan la horkeenay Baarlamaanka.

Intaas kaddib Guddoomiye kuxigeenka koowaad ee Baarlamaanka C/wali Sheekh Ibraahim Muudey oo shir guddoominayay kulanka ayaa sheegay in sharcigan la dagaalanka musuq maasuqa uu u baahan yahay qodobo ka maqan, isla markaana dib loogu celiyay Wasaaradda.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.