Wasiirka iyo Wasiiru Dawlaha Arrimaha Gudaha oo isku dhex garaacay Xarunta Wasaaradda.

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cabdi Juxaa iyo Wasiiru Dawlaha Gudaha, C/laahi Faarax Wehliye ayaa isku dhex garaacay Saaka Shaqaalaha Wasaaradda hortooda. Waxaana la arkayay iyadoo ay ka muuqdaan dhaawacyo Wajiga ah Masuuliyiintan oo la kala jiidayo.

Xog ay heshay Hornafrik ayaa sheegaysa in Dagaalka gacan ka hadalka ah kadib Masuuliyiintan looga yeeray Xafiiska Raiisul Wasaaraha. Waxaana markii dambe ay wararku sheegayaan in la heshiisiiyay, isla markaana lagu canaantay inaysan dhicin wixii maanta dhacay oo kale.

Waa Markii ugu horasay ee Wasiir iyo Wasiiru Dowle hal Wasaarad ay isku dhex garaacaan Wasaaradda ay Maamulaan, taasoo ah dhaqan ku cusub Hanaanka Dawliga ah ee Somalia,

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.