Xog: Yurub oo laga cabsi qabo inay Qaraxyo ka fuliyaan Daacish.

0

Warbixin ay soo saareen Booliska Caalamiga ah ee Interpol ayey kaga digayaan dalalka Yurub qatar kaga soo fool leh kooxda argagixisada ah ee Daacish oo tababaro la xiriira is-haligista u sameysay guutooyin ciidamadeeda ka mid ah.

Warbixintu oo lagu daabacay Wargayska Thesun waxay intaa ku dareysaa in markii daacish laga qabsaday magaaladda Mosit ee dalka Ciraaq (oo u aheyd istiraatijayad muhiim ah) ay ku dhaqaaqeen sidii ay u aargudan lahaayeen.

Jariiradda the Guardian ayaa iyana shaacisay in sirdoonka mareykanku heleen xog ku aaddan dhaqdhaqaaqyo halis ah dhowaan intii ay ku jireen duqeymaha dalalka Syria iyo Iraq.

Xagey ka iman karaan 170-ka naftood haligayaalka ah,?

Interpol waxay sheegtay in Maleeshiyaadka tababarka loo soo afjaray laga cabsi qabo inay isticmaalaan dukumentiyo been abuur ah iyo magacyo aanan loo garaneen ama ay kusoo dhex-dhuuntaan qaxootiga tahriibka ah.

Qaramada midoobay ayaa horay uga digtay muddo laba sano hada laga joogo inay jiraan Maleeshiyaad gaaraya ilaa 20,000, kuwaasoo 4,000 oo ka mid ah asalkoodii hore ka tegeen dalalka yurub, iyadoo laga yaabo in markaa jabka is daba jooga ah uu soo dedejiyo soo laabashadooda.

si kastaba ha ahaatee Interpole waxay xarumaha socdaalka u gudbisay aqoonsiyada askar kamid ah kooxda daacish ee asalkoodii ka tegay Yurub si looga taxadaro soo noqoshadooda.

Xagey ka helayaan hubka iyo qalabka ay qaraxyada ku sameynayaan

Warbixintu waxay tilmaameysaa in kooxda argigixisada Daacish ay u tababartay naftood haligeyaalkan qaabkii ay u sameyn lahaayeen walxaha qaraxa laga abuuro (Improvised Explosive Devices)

Waxyaabaha qaraxyada laga sameeyo oo marka lasoo gaabiyo magacooda loo yaqaan IED ayaa ka kooban biro, masaamiir iyo fiilooyin dab dhaliyeyaal ah kuwaasoo dhamaantood gacan ku sameys ah, waxayna abuuraan dil wadareed aan kala sooc lahayn, iyadoo lala beegsado xarumaha bulshadu ku badan yihiin.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.