Xog: Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Shaqo Joojin ku sameeyay Xoghayihii Joogtadda ahaa ee Wasaaradaasi+Akhriso Document-ga.

0

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa maanta shaqo joojin ku sameeyay Xoghayihii Joogtada ee KMG ahaa ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Yaxye Cali Ibraahim.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay sababaha ku aadan cabashada shaqaalaha, xadgudub hanaanka shaqada iyo wado shaqeyn la’aan joogtada ah ee ka timid dhanka Xoghayaha Joogtada KMG ee Wasaaradda iyo curyaaminta habsami u socodka howlaha wasaaradda.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha ayaa Xoghayaha Joogtada KMG ee Wasaaradda u magacaabay C/llaahi Maxamuud Xasan, laga bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 22-ka bisha July.

Halkan hoose ka akhriso wareegtada ka soo baxday Wasiirka Arrimaha Gudaha:

dhawaan ayeey ahayd markii sidan oo kale Wasiirka Warfaafinta uu shaqo joojin ku sameeyay Agaasimihii Guud ee Wasaaradaasi, isagoo sidoo kalana magacaabay Agaasime Guud oo KMG ah.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.