Baarlamaanka oo laalay go’aankii Maxkamadda sare ee dib ugu laabashada 8-da Kursi

0

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta diiday go’aankii ka soo baxay Maxkamadda sare ee dalka ee ahaa in dib loogu noqdo doorashada 8-dii kursi ee muranku ka taagnaa.

Xildhibaanada ayaa difaacay xubnaha 8-da Xildhibaan ee kuraastooda muranka la geliyay, kuwaasoo muddooyinkii u dambeeyay si caadi ah uga qeyb galayay fadhiyad Baarlamaanka.

Illaa 184 Xildhibaan ayaa aqbashay diidmada go’aankii Maxkamadda sare ee ahaa in dib loogu noqdo doorashada 8-dii kursi ee lagu tilmaamay mid sharci darro ah.

Go’aanka Baarlamaanka ayaa waxay muujineysa in iska hor imaad dhanka fulinta sharciyada ah oo u dhaxeeya Hay’adaha Dawladda Somalia. Waxaana Garsoorka oo ah Hay’ad Madax banaan muuqanaysa in Go’aankoodii la laalay.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa ansixiyay qaraar ku saabsan xil heynta xubnaha Baarlamaanka iyo buuxinta kuraasta Baarlamaanka.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa soo bandhigay shan qodob oo qofka Xildhibaanka ah ku waayi karo xubnimadiisa Baarlamaanka.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.