Baarlamaanka oo dood ka yeelanaya 8 Kursi oo ay Maxkamadda Sare amartay in dib loogu laabto Doorashadooda.

0

Xildhinaabada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka doodaya go’aankii Maxkamadda sare ee dalka ka soo saartay in dib loogu noqdo doorashada 8-kursi oo ka mid ahaa kuraastii doorashadooda muranka dhaliyay ee ay horay u laaleen Guddigii xalinta khilaafaadka doorashooyinka.

Kulanka Xildhibaanada ayaa ah mid si aad ah isha loogu haayo, iyadoo xildhibaanada murankooda ka jiro kuraastooda ay yihiin kuwo si caadi ah fadhiyada Baarlamaanka uga qeyb gala.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dhalxa oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa sheegay in Xildhibaanada ay go’aan ka qaadan doonaan in dib loogu noqdo doorashada 8-da kursi ee Xildhibaanada iyo in kale

Maxkamadda sare ee dalka ayaa warqad qoraal ah oo ay soo saartay bishii May waxay ku amartay in dib loogu noqdo doorashada 8-da kursi, kaddib markii ay dacwad ka geeyeen xubnihii la tartamayay oo ku dooday in doorashadaas aanay u dhicin hab cadaalad ah.

Xildhibaanada lagu dhegan yahay ee kuraastooda muranka ku jiro ayaa waxaa kala yihiin sidan:-

1. C/llaahi Maxamed Aadan Shaacir

2. Maxamed Saciid Cabdullahi

3. Maxamed Axmed Abdtidoon

4. Nadif Aadan Isaaq

5. Muna Khalif Sheekh Abu (Muna Kay)

6. Cabdicasis Salax Carmaan

7. Sharmarke Garaad Saleebaan Buraale

8. Samra Ibrahim Cumar

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.