Saldhiga AMISOM ee Jowhar oo Madaafiic lagu weeraray.

0
Wararka ka imanaya  magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe ayaa sheegaya in hoobiyeyaal xalay lagu weeraray saldhiga ugu weyn ee ciidamada AMISOM ku leeyihiin gobolka Sh/dhexe kaasoo ku yaal duleedka Waqooyi ee magaalada Jowhar.
Hoobiyeyaasha lagu garaacay saldhiga AMISOM iyo madaafiic loogaga jawaabay ayaa laga maqlay deegaano ka fog-fog saldhiga AMISOM ee ku yaal garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.
Wararka ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay madaafiic uga jawaabeen weerarka lagu soo qaaday lama oga qasaaraha ka dhashay weerarka hoobiyaasha ah iyo jawaabtii ay ka bixiyeen ciidamada AMISOM.
Weerarkan hoobiyeyaasha ah ee lagu qaaday saldhigga AMISOM ee duleedka Jowhar ayaa imaanaya labo maalin kadib markii Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ay ku wareejisay dhul deegaan ah oo ay dhistaan ciidamada AMISOM.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.