Xog: Baarlamaanka Puntland oo kala diray Golihii Wasiiradda C/wali Gaas, Maxay tahay Sababtu.?

0

Baarlamaanka Puntland ayaa  codka kalsoonida kala laabtay Golaha Wasiirada Madaxweyne C/wali Gaas, kaddib markii ay mooshin ka keeneen.

Kulan Xildhibaanada Baarlamaanka ay goor dhow ku yeesheen xaruntooda Garowe ayaa ku soo dhamaaday in codkii kalsoonida lagala noqday Xukuumadda Gaas.

47 Xildhibaan ayaa ogolaatay, halka 9 Xildhibaan ka aamustay, hal Xildhibaan uu diiday, iyadoo Guddoonka Baarlamaanka uu ku dhawaaqay natiijada inay tahay mid sax ah.

Kalsooni kala noqoshada Wasiirada Cabdiweli Gaas ayaa aheyd mid lama filaan ah, iyadoo tan iyo markii uu soo baxay mooshinka uu bilowday wada hadalo lagu qancinayay Xildhibaanada inay joojiyaan.

Xaalad kacsanaan ah ayaa ka jirta Garowe, iyadoo dad badan ay isugu soo baxeen waddooyinka, iyagoo hadal haya tallaabada Baarlamaanka Puntland uu codka kalsoonida kala laabtay Xukuumadda C/wali Gaas.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa hada laga sugayaa inuu soo dhiso Gole wasiiro cusub oo mar kale u baahnaan doona in codka kalsoonida ka helaan Baarlamaanka Puntland.

Puntland ayaa muddooyinkan waxaa ka jiray Fowdo Siyaasadeed, taasoo la aaminsan yahay inay la xiriirto Beelaha wada daga halkaasi oo saluugsan hanaanka uu wax u qaybiyay C/wali Gaas. iyadoo ay u dheer tahay Gadood Ciidan oo mararka qaar qal qal galiya Ammaanka iyo Daganaanshaha Puntland oo ka mida meelaha ugu nabdoon Somalia. Waxaa sidoo kale Maamulka culays uu ka haystaa Kooxaha Alshabaab iyo Daacisho oo saamayn ku yeelanaya Deegaanadda Bariga Puntland.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.