Xog: Somalia oo noqotay Dalka ugu qaalisan ee laga soo xajiyo, Isbarbar dhig Xajka Somalia iyo Caalamka.

0

Waxaa dhow xiligii gudashada xajka oo ka mid ah 5-ta Tiir ee Islaamka. Waxayna Somalia ka mid tahay Wadamada Muslimka ah ee Muwaadiniinteedu isku diyaarinayaan Gudashada Waajibaadka Xajka.

       Immisaa ku baxda Xujayda Somalia,?

Sanadkii 2016 waxaa dadka Soomaalida ah laga qaaday $3,800 qofkiiba oo ay u dheertahay Baasaboor iyo Canshuur. Sannadkana waa la mid.

Immisaa ku baxda Xujayda Jabuuti,?
Sanadkii 2016 waxaa dadka jabuuti laga qaaday $450 Ticket ah, iyo $1,250 oo isu gayn noqonaysa $1,650 qofkiiba.

          Dal Ku galka Sucuudiga.

Dal Ku galka Sacuudiga Xilliga Xajka waa Lacag la’aan, mana jirto Lacag u xaroota Boqortooyadda Sacuudiga oo la xiriirta Dal Ku gal. Waxayna Wadamadda Muslimiinta ah siisaa Sucuudiga Tiro cayiman oo Dal Ku gal ah, taasoo ay ugu talagashay Xujayda Dal kasta. iyadoo ay u dheer tahay in Dawladaha Dalalka Muslimiinta ahna la siiyo Tirro kale oo aan qarash ku baxayn oo dhamaan Tasiilaadka Safarkooda ay bixinayso Boqortooyadda Sucuudigu.

Hornafrik waxay idiin diyaarisay Shax ku saabsan Xajka iyo Qarashaadka ku baxa marka si sax ah loo maamulo.

Qiimaha Ticket-ka:                  $400
Guriga la dajiyey waa:             $600
Basaska qaada xujeyda waa:  $300
Joogida Ayaamu tashriiqa:      $300
Total:                                        $1,600

Waxaana xujeyda Soomaaliyeed ee jecel gudashada Xajka lagu qasbaa inay bixiyaan $3,800 oo ay u dheer tahay Baasaboor iyo Canshuur isku noqota: $4,000

 

Somalia waa Dalka ugu qaalisan ee laga soo Xajiyo. Waana mid ka mida Dalalka ugu faqiirsan Caalamka, iyadoona Lacagta uu 1 Qof uga xajiyo Somalia ay ku xajin karaan 2 Qof oo ka imaanaysa Australia ama Maraykan.

Dawladda Somalia marna sooma faragalin arrintan, Waxayna ku fiirsataa Xujayda Soomalida ah Qarashka  faraha badan ee laga qaado.

You might also like More from author

Leave A Reply

Your email address will not be published.